Wararkii ugu dambeeyay xaaladda siyaasadeed ee Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa weli cakiran, waxaana dhaqaaqyo xoogleh laga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

 

Xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Deni oo intooda badan ku sugayln Garoowe ayaa soo saaray go’aanno culus oo ku aadan doorashada la filayo inay ka dhacdo maamulkaasi.

Guuleed Saalax oo ah guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntland, ahna musharrax u taagan xilka madaxweynaha maamulkaas ayaa shaaca ka qaaday in haatan Puntland aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, maadaama waqtiga la haysto uu aad u kooban yahay.

Musharrax Guuleed ayaa ku baaqay in doorashada lagu hago hannaankeedii hore, isla-markaana la qabto xilligeeda oo ah sideeda 8 Janaayo ee sanadka soo socda ee 2024.

Dhankiisa Maxamuud Xayir Ibraahim oo kamid ah mucaaradka Puntland ayaa farriin u diray Isimada Dhaqanka wuxuuna ka dalbaday inay farageliyaan xiisadda ka taagan Garoowe.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad cakiran, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama uu sii xoogeysanayo dagaalka siyaasadeed ee Deni iyo xubnaha mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here