Al-Shabaab oo laba dhalinyaro ah ku dishay deegaan hoostaga gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba dhalinyaro ah oo ay saacadihii lasoo dhaafay Al-shabaab ku dileen deegaan lagu magacaabo Tayeeg oo u dhaxeeyo magaalooyinka Halgan iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

 

Wararka ayaa sheegaya in dlka labada dhalinyarada ah uu yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay jidka u galeen laba wiil oo ku socdaalayay Mooto la sheegay iney kaga shaqeysan jireen deegaanadaas.

Marxuumiinta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Ciise Cabdi Xuseen iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed, lamana oga sababta rasmiga ah ee keentay in Al-shabaab ay dilaan labadan wiil ee ka mid ahaa dhalinyarada degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee dilka dhalinyaradaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhowr todobaad ka hor kooxda Al-shabaab ay sheegtay inay furtay isticmaalka wadada Laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan oo kooxda u xayirneyd in ka badan 10 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here