Al-Shabaab oo saaka weerar culus ku qaaday deegaanka Af-urur

0

Boosaaso (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka aroortii hore dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada ammaanka Puntland ay ku leeyihiin gudaha deegaanka Af-urur oo ka tirsan gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Shabelle u sheegay in weerarka loo adeegsaday madaafiic, kadibna uu dagaal foolka fool ah uu dhex-maray labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ammaanka ee Puntland.

Xaaladda ayaa degan, waxaana haatan goobihii lagu dagaalamay ku sugan oo howl-gallo ka wadan ciidamada daraawiishta ee dowlad goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here