Al-Shabaab oo shaacisay inay cagta marisay saldhigga ATMIS ee Buulo-Mareer

0

BUULO-MAREER (SMN) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay Ciidanka Nabad Ilaalinta ee ATMIS ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer ee Gobolka Sh.Hoose.

 

Weerarkan oo xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay Ciidanka ATMIS iyo kuwa Al Shabaab ayaa qaatay saacado, iyadoona dadka degaanka qaarkood ay soo wariyeen in ay maqlayeen daryanka hubka culus iyo qaraxyo xooggan.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal yahanadoodu ay cagta mariyeen saldhiga ay gacanta ku hayeen Ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalka Uganda.

Bayaanka Al Shabaab ayaa lagu xusay in weeerarkii saaka lagu dilay ugu yaraan 137 ka mid ahaa ciidankii ku sugnaa xerada, isla-markaana kuwa kale ay nolosha ku qabteen, halka ay sheegeen in uu u soo gacan galay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashadooda.

Dhinaca kale, Taliska howlgalka ATMIS ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay Ciidankoodu ku leeyihiin Buulo Mareer oo qiyaas ahaan 110 km dhanka koonfureed uga beegan magaalada Muqdisho.

Taliska ATMIS wuxuu sheegay in faah faahinta ku saabsan weerarkan ay warbahinta la wadaagi doonaan markii uu soo gebo geboobo qiimeyn ay sheegeen in ay ku wadaan weerarkii saaka lagu qaaday ciidankooda.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa durba ka hadlay sowladda Uganda, oo sheegtay in ay baaritaanno ay ku billowday waxa fududeeyay in la beegsado ciidankooda.

Afhayeenka Ciidanka Dalka Uganda, Felix Kulayigye, ayaa sheegay in Ciidankooda ay soo weerareen dagaal yahano ajaaniib ah oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, isagoona ka gaabsaday in uu ka hadlo khasaaraha soo gaaray ciidankooda.

Afhayeen Felix ayaa sheegay in ay wadaan xog urruurin ku aadan sida uu u dhacay weerarka.

Dhowaan ayay aheyd markii Ururka Al Shabaab ay weeraro sidan kale ah ku qaadeen saldhigyo kala duwan oo Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku leeyiihiin Gobollada Jubadda Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here