Dagaal culus oo ka qarxay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyay

0

BELEDWEYNE (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal goordhow ka qarxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo Beeleed.

 

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada maleeshiyo Beeleed ay haatan ku dagaalamayaaan xaafadda Buundaweyn ee degmadaasi

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay isku hayaan dhul ku yaalla halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka taagnaa muran xoogan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here