Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay dalka Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahanada Al Shabaab ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Kenya.

Weeraran oo ka dhacay Magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa lagu beegsaday ciidamo sameynayay howlgallo roondo ah, iyadoona halkaasi lagu dilay ugu yaraan hal askari halka laba kalena uu dhaawac soo gaaray.

Mid ka mid Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in weerarka uu ahaa gaadmo, isagoona intaasi ku daray in ay iska caabiyeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Sarkaalkan ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ku dhintay hal askari, laba kalena uu dhaawac soo gaaray, wuxuuna intaasi ku daray in dhaawaca labada askari loo qaaday isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi si halkaasi loogula tacaalo xaaladooda caafimaad.

Weerarkan ayaa ku aadaya iyadoo mas’uul ka tirsan wasaarada arimaha gudaha Kenya uu gaaray magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari i si uu uga qeyb galo shir looga hadlayo la dagaalanka Al Shabaab ka hor furitaanka xadka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Gobolka Waqooyi Bari ayaa inta badan waxaa ka dhaca weeraro u badan Qaraxyo , kuwaasi oo lagu beegsado Ciidanka Dowladda Kenya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ka howlgalla Gobolka.

Si-kastaba, Al Shabaab ayaa wacad ku maray ay kordhin doonaan weerarada ka dhaca dalka Kenya hadii Xukuumadda Nairobi aysan Ciidankeeda kala bixin gudaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here