Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo saacado badan qaatay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeeyay ee ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeer oo haatan howlgallo culus ka wada halkaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana badanaa ay weeraro ku qaadaan Saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMI See ku yaalla gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here