Wufuud caalami ah oo booqasho ku tegtay Xarunta SoDMA + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wafdi iskuugu jira dowladda Sweden, Hay’adda Horumarinta caalamka ee Sweden (SIDA) iyo madax ka socotay UNDP ayaa maanta waxa ay booqasho ku kala tageen xarumaha kala duwan ee Hay’adda SoDMA, waxaana ku soo kala dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md. Maxamuud Macallim Cabdulle iyo ku xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan.

 

Wafdigaan ayaa ugu horreeyn waxa ay booqashadooda ku hormareen xarunta qaran ee howlgalada gurmadka deg-deg ah, iyaga oo kormeeray xafisyada kala duwan ee xaruntaan oo ay dowladda Sweden maalgalisay dhismaheeda, waxaana dhanka kale warbixin kooban siiyey wafdigaan Maareeyaha xarunta NEOC Xasan Cabdulqaadir, isaga oo uga warbixiyey guulaha hay’adda gaartay, qorshayaasha hay’adda, caqabadaha iyo howlaha hortabinta u leh hay’adda SoDMA

Geysta kale wafdigaan ayaa intaas kadib waxa ay kormeer ku tageen xarunta dhexe ee SoDMA, iyaga oo halkaas kulan kula qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, waxana sidoo kale ay kormeer ku tageen xarunta ka digista halis-wadareedka ee SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Mahamuud Moallim Abdulle ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden taageerada ay ku bixiso dhismaha xaarunta NEOC ee hay’adda SoDMA, iyo sida ay marwalba u garab taaganyihiin guud ahaan Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here