Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhigga ciidamada ATMIS ee Buulo-Mareer

0

BUULO-MAREER (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay  ciidamada ATMIS ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo dhacay aroortii hore oo saaka oo Jimco ahayd ayaa waxa uu ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkan oo geystay khasaare kala duwan

Sidoo kale xubin ka tirsan maamulka degaanka ayaa sheegay inay al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer, iyada oo sidoo kale Al-Shabaab lagu arkay magaalada Buulo Mareer dhexdeeda.

Diyaarado ayaa la sheegay inay hawada ku jiraan, ilaa haddana ma cadda khasaaraha weerarka.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga “cagta mariyeen,” sheegashadaas oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here