XFS oo soo dhoweysay taageerada dhaqaale ee Ururka Midowga Yurub

0

MUQDISHO (SMN) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa si diiran u soo dhaweeyay ansixinta lacago gaaraya € 20.5 milyan oo  Midowga Yurub ay ugu talagaleen taageeridda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

 

Lacagahaan ayaa qeyb ka ah barnaamijka dowlad dhiska iyo taageerada deyn cafinta Soomaaliya ,iyadoo Midowga Yurub ay doonayaan in dowladdu ay xoojiso isbeddelada socda iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.”

allaabadaan ay kusoo beegantay xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay wadaan qorshe hawleed wadajir ah oo Midowga Yurub iyo Soomaaliya ay doonayaan in ay iska kaashadaan fulinta qorshayaasha horumarinta iyo xasilinta qaranka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ka mahadceliyay taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub,waxayna rajeeyeen in lacagahaasi loo adeegsan doono socodsiintta howlaha dowladda iyo tan shacasbka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here