Bay – Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka diyaaradaha ee degmada Buurhakabo, gobolka Bay, sida ay xaqiijiyeen ilo amni.
Weerarka ayaa dhacay xilli garoonka ku sugnaa helicopter ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka soo ambabaxday magaalada Muqdisho isla markaana ku guda jirtay soo degid. Diyaaraddaasi ayaa si nabad ah uga badbaaday weerarka, inkastoo madaafiic ku dhaceen gudaha iyo hareeraha garoonka.
Garoonka Buurhakabo ayaa saldhig u ah ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalada amni ee gobolka, taasoo ka dhigeysa goob istaraatiiji ah oo marar badan la beegsado.
Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka, waxaana aan la ogeyn tirada dhimashada ama dhaawaca, haddii ay jiraan.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacayaan weerarada Al-Shabaab ee deegaannada Koonfur Galbeed, taasoo muujinaysa weli halista amni ee ka jirta maamulkaasi.



