Al-Shabaab oo xoolo ka dhacday deegaan hoostaga degmada Baxdo

0

BAXDO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ee maanta ay Al-Shabaab xoolo ay lahaayeen dad shacab ah ka wateen agagaarka degmada Baxdo ee gobolkaasi.

 

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay tageen tuulo u dhow magaalada Baxdo, waxayna halkaas ka kaxeysteen ku dhowaad 100 Neef oo Geel ah.

Oday kamid ah dadka deegaanka, isla markaana 70 jir ah ayaa Shabelle uga warramay dhaca xoolahaasi, wuxuuna sheegay in in isagu uu lahaa 26 kamid ah Geelaaas.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray cid kasta wax ka qaban karta arrintaas inay usoo gurmaadaan xoolaleyda ku dhaqan aagga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan xaalad adag ay ka jirto qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ayaa kusii siqaya deegaanada ay gobolladaas ka joogaan Al-Shabaab, iyaga oo xoreeyay dhowr magaallo oo ku yaalla Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here