Aljeeriya oo Qaramada Midoobay ka sheegtay in Israa’iil ay dooneyso inay kala qaybiso Soomaaliya

0

NEW YORK: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Axmed Attaf, ayaa sheegay in Israa’iil ay waddo dadaallo uu ku tilmaamay kuwo lagu kala qaybinayo Soomaaliya, isagoo sidoo kale ku eedeeyay Israel inay sii waddo weerarrada Suuriya iyo Lubnaan, isla markaana aysan si buuxda u ilaalinayn heshiiska xabbad-joojinta Gaza.

 

Attaf oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ayaa sheegay in Israa’iil ay sii wadday dilka dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, inkastoo uu sheegay in xabbad-joojinta Gaza ay dhaqan gashay tan iyo Oktoobar 2025.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay taageerada Aljeeriya ee xaqa dadka Falastiiniyiinta ay u leeyihiin inay dhistaan dowlad madax-bannaan oo si buuxda u madax-bannaan, isagoo sheegay in Qudus ay tahay inay noqoto caasimadda dowladnimada Falastiin.

Attaf ayaa sidoo kale cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay weerarrada Israel ee ka socda Suuriya iyo Lubnaan, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday waxa uu ku tilmaamay “dadaallada lagu kala qaybinayo Soomaaliya.”

Hadallada Wasiirka Arrimaha Dibadda Aljeeriya ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahdo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo arrimaha midnimada dalka, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada iyo mustaqbalka siyaasadeed ay weli yihiin qodobo muhiim u ah doodaha gudaha iyo kuwa gobolka.

Dhanka kale, Attaf wuxuu khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda guud ee caalamka, isagoo ka digay dhibaatooyinka sii kordhaya iyo hoos u dhaca kalsoonida u dhexeysa dowladaha. Wuxuu sheegay in isticmaalka xoogga uu mar kale ka hormarayo wada-hadalka iyo is-afgaradka, isagoo ku baaqay in dib-u-habeyn lagu sameeyo Qaramada Midoobay si hay’addu ula jaanqaaddo isbeddellada waaweyn ee ka socda dunida.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay nidaam caalami ah oo uu ku tilmaamay mid caddaalad iyo matalaad badan leh, si dalalka caalamku uga qaybqaataan go’aan qaadashada caalamiga ah. Isagoo ka hadlayay xaaladda Khaliijka, Attaf wuxuu sheegay in Aljeeriya ay walaac ka qabto xiisadaha ka jira gobolka, wuxuuna ku baaqay in la qaado tallaabooyin lagu yareynayo xiisadda, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here