Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026 iyo awoodda nidaamka qaranka ee ka jawaabista khataraha fatahaadaha degdegga ah iyo fatahaadaha wabiyada Juba iyo Shabeelle.
Shirka waxaa soo qabanqaabisay SoDMA oo kaashanaysa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), waxaana ka qaybgalaya wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa tijaabinta habka loo soo saaro, loo gudbiyo loona adeegsado digniinta hore, qiimeynta xogta khataraha, isku-duwidda hay’adaha iyo qaadista tallaabooyinka hore. Ujeeddadu waa in xogta saadaasha iyo digniinta hore loogu beddelo go’aanno wax-ku-ool ah iyo tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo saameynta fatahaadaha, laguna ilaalinayo bulshada nugul.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay nidaamyada digniinta hore, balse muhiimaddu ay tahay in digniinta la helo loo beddelo go’aan iyo tallaabo hore oo degdeg ah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in shirkan lagu tijaabinayo isku-duwidda hay’adaha, wadaagista xogta iyo dhaqaajinta taageerada gurmadka, iyadoo la aqoonsanayo caqabadaha iyo meelaha u baahan in wax laga saxo.
Waxa uu sheegay in ujeeddada ugu dambeysa ay tahay in la yareeyo saameynta fatahaadaha, lana ilaaliyo nolosha iyo nolol-maalmeedka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool deegaanada u nugul fatahaadaha wabiyada Juba iyo Shabeelle.





