AMISOM oo war kasoo saartay qaraxyadii iyo weeraradii ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa si kulul u cambaareeyey weeraradii xooganaa ee habeen ka hor ka dhacay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa shaacisay inay aad uga xun tahay weeraradaas oo is xig-xigay, isla-markaana dhaliyey khasaare isugu jiro dhimash, dhaawac iyo burbur xoogan.

Sidoo kale taliska AMISOM ayaa ku dhowaaqay inay ka go’an tahay inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee ku aadan dagaalka Al-Shabaab, si looga adkaado.

“Midowga Afrika ayaa waxaa ka go’an in uu taageero Soomaaliya si looga adkaado argagixisada oo burbur ku ah dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo nolosha bulshada,” ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Fiona Lortan.

Weeraradan ayaa kusoo aaday, xilli adag, isla-markaana dalka uu jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka haatan ka socda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here