Sawirro: Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo dib loo doortay

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo lagu bilaabay kursiga HOP#147, ayaa waxaa ku soo baxay Mahad Maxamed Salaad oo markale dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya.

Mahad Maxamed Salaad ayaa ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii ay u tanaasushay musharrax Shamso Cabdullahi oo la tartami laheyd.

Guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaciyey in Mahad uu helay 101 cod oo ah dhammaan ergada ka qayb-galeysay doorashada kursiga HOP#147.

Sidoo kale doorashada ayaa halkeeda kasii socon doonto, waxaana la guda-galayaa kuraasta xigta ee qorshuhu yahay in maanta doorashadooda lagu qabto Dhuusamareeb.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here