Degmada Marka oo xalay ka adkaatay dhiggeeda degmada Warta Nabadda

0

MUQDISHO (SMN) – Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa xalay ku baratamay degmooyinka Marka iyo Warta Nabadda oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.

Marka oo guul gaartay ayaa heshay 12 dhibcood, halka Warta Nabadda ay keensatay 6 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay guddiga tartanka.

Degmada Marka ayaa sidaas ugu gudubtay wareega labaad ee tartanka Shabelle, halka Warta Nabadda ay ka hartay guud ahaan tartanka.

Sidoo kale waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Kaaraan iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here