Aqriso: Horumarada laga sameeyay howlaha doorashooyinka

0

Horumarrada laga sameeyay howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

May 27 2021: Waxaa la saxiixay heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka.

May 30 2021: Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi u magacaabay xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay.

May 31 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaabilay xubno ka socda Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore, si uu uga dhageysto cabashadooda iyo talooyin.

June 19 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafaadka.

June 29 2021: Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa soo saaray jadwalka arrimaha Doorashooyinka Dalka.

June 29 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo.

July 5 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay hirgelinta, Amniga Doorashooyinka iyo taageerada laga doonayo.

July 7 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu socdaal 4 cisho qaatay ku tegay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey, si loo dhammeystiro dib u heshiisiinta Gedo.

July 21 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku dhawaaqay xalkii laga gaaray arrinta Gedo.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu kula dardaarmay inay dooraahada u maamulaan si hufan oo ka fog eex.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu isu keenay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, si loo xalliyo faraqa u dhexeeya ee doorashada kuraasta Gobollad Waqooyi.

July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka.

July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu habka fogaan arragga kula shiray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu ku booriyay inay doorashada dedejiyaan, maadaama la gaaray xilligii lagu balamay in ay bilaabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here