Dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta oo ka bilowday magaalada Garba Ciise

0

Wararka ka imanaya degmada Garba Ciise ee waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta markale uu halkaas ka soconayo dagaal qaraar oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Soomaalidu waxa ay sheeganayaan inay dagaalkan ku gacan sarreeyaan oo qeyb ka mid ah magaalada ay haatan gacantooda ku jirto, hasayeeshee weli wax war ah kama hayno dhinaca Canfarta, sidoo kalana ma jirto cid madax bannaan oo arrintaas xaqiijin karta.

Dagaalka ka socday Garba Ciise tan iyo Sabtidii ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan, iyada oo sidoo kale laga cabsi qabo in dagaalka uu kusii fido deegaano horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here