Liiska hadal jeedinta musharixiinta madaxweynah oo la shaaciyey

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga isku dhafka ah  ee Doorashada Madaxweynaha 10-aad ayaa soo saaray liiska hadal jeedinta musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Sida lagu xusay shaacinta guddiga maalinta koowaad ee hadal jeedinta musharixiinta oo ku beegan berri oo taariikhdu tahay 11-ka May, waxaa  ku qoran illaa 20 musharax inay la hadlan mudaneyaasha Baarlamaanka 11-aad, iyaga oo soo bandhigii doona barnaamijyadooda siyaasadeed ee ay tahay in lagu doorto.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda, ayada oo maanta Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay soo idleeyeen diiwaan galinta Musharaxiinta ku baratameysa qabashada jagada ugu sarreysa Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here