Aqriso: Maamul cusub oo loo magacaabay magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilkii ka qaaday maamulkii magalaada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isaga oo maamul cusub magacaabay.

Qoraal kasoo baxay x afiiska Wasiirka ayaa waxaa lagu yiri” Markuu arkay baahida loo qabo in guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen loo magacaabo magaalada Baydhabo, sidoo kalena uu dhageystay talo soo jeedinta Guddoomiyaha Gobolka Baay uu sameeyay Wasiirka Magacaabistaan oo ah:-

Guddoomiyaha iyo duqa Magaalada Baydhabo ayaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horay xilkaasi mar u soo qabtay, halka Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda loo Magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Nuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here