Aqriso: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay wasiiro cusub

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Digreeto kasoo baxyday xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu magacaabay illaa 5 wasiir oo loo magacaabay wasaaradaha kala ah wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda amniga, wasaaradda qorsheynta, wasaaradda gaadiidka iyo wasaaradda xanaanada xoolaha.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 6 June, sanadka 2022 waxaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya magacaabay xubnahan cusub oo kala ah

1-Cabdullaahi Xaaji Xasan, wasiirka arrimaha gudaha, dowlaha hoose iyo dib u heshiisiinta.

2-Dr. Cali Cabdi, wasiirka qorsheynta.

3-Maxamed Isaaq Cabdi, wasiirka wasaaradda amniga

4-Xasan Cabdinuur Aadan, wasiirka gaadiidka, cirka iyo dhulka

5- Sandheere Maxamed Iftin wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.

Xubnahanan ayaa beddalaya wasiiradii hore oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee dalka, kadib doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Baraawe iyo Baydhabo ee maamulkaasi.

Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu faray wasiirada cusub in ay si deg deg ah ula wareegaan xillalka, ayna dardar-geliyaan howlaha shaqo ee loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here