DF oo loogu baaqay inay ka hortegto dhaq-dhaqaaqyada safiirada caalamka

0

MUQDISHO (SMN) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Amb. Jamaal Barrow ayaa ku eedeeyey safiirada caalamka ee jooga magaalada Muqdisho inay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah diblomaasiyadda.

Barrow ayaa sheegay in diblomaasiyadda ay ka hor imaanaayaan kulamada ay haatan wadaan safiiradu, wuxuuna tilmaamay in aysan dowladahooda ogoleyn arrintan oo kale.

Danjiraha ayaa ugu baaqay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya inay soo saarto xeer lagu hagayo diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-

DALKA WAXA TAAGAN FOWDO DIBLOMAASIYADEED

Waxa yaab leh dhaqanka ay la yimadeen diblomaasiyiinta ajaanibta ah ee dalkeena ka hawlgala. Waxay nagu sameynoyaan waa wax marnaba dawladahooda u ogolaaneyn in diblomaasiyiinteenu dalalkooda ku sameeyaan. Tusaale, waxay dhex wareegaan xafiisyada dawladda heerakooda kala duwan iyagoo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ka warqabin, taasoo ah hey’adda u xilsaaran la macaamilka diblomaasiyiinta ajaanibta ah. Ilaa haddana lama hayo cid yac tiraahdo oo nidaamka sax ah ku toosiya.

Arrimaha kaloo yaabka leh waxa weeyaan in baraha bulshada maalin kasta la soo dhigo sawiro diblomaasiyiin ajanabi ah oo la shirayo madaxda ugu sareysa dalka, lama yaqaano cidda balamahaas u fududeeysa. Waxa kaloo, nidaamka diblomaasiyadda baalmarsan in diblomaasi ajanabi ah dhambaal madaxdiisa ka sida si toos ah  ugu gudbiyo madaxda ugu sareysa dalka, waa hawl Wasaaradda Arrimaha Dibedda iska leh, sida saxda ah waxay ahayd in cidda dhabaalka loo sido ay tiraahdo wasaaradda soo marsii.

Haddaba, si looga baxo fowdadan diblomaasiyadeed waxa waajib ah in Wasaaradda ay diyaariso xeer-nidaamiye hagaya diblomaasiyiinta dalka ka hawlgala, isla markaana ciddii ku xad-gudubtana lala xisaabtamo, sida ay sameeyaan dalalka adduunka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here