Aqriso: Madaxweynaha maamulka Puntland oo magacaabis sameeyey

0

GAROOWE (SMN) -MadaxweynahaPuntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland.
  2. Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna  saxiixay

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here