Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo is casilay + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) ayaa iska casilay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay isaga oo doonayo inuu haatan u tartamo ka mid noqoshada xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug ayuu sababta uu kursiga isaga casilay ku sheegay inuu rabo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta sida uu yiri.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay ku dhawaaqay in doorashada golaha shacabka ay bilaabaneyso maanta oo Khamiis ah 18 bisha November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here