Maxaa ka soo kordhay xaaladda aqoonyahankii lagu afduubtay Nairobi?

0

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee gobolka Woqooyi Bari ee Kenya oo uu hogaaminayey xildhibaan laga soo doorto galbeedka degmada Wajeer, Axmed Kolosh, ayaa kulan ay la yeesheen agaasimaha waaxda dembi baadhista Kenya kaga dalbaday xukuumadda in ay war cad ka soo saarto xaaladda Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Cabdiwahaab ayaa sideedii bishan aynu ku jirno ee September la sheegay in laga af-duubtay bartamaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi.

Agaasimaha ayaa u sheegay hogaamiyeyaashaas in la bilaabay baadhitaan arintaa la xiriira oo aanay salka dhigi doonin ilaa ay ka gun-gaarayaan afduubkaas oo aan ilaa haatan raq iyo ruuxtoona la hayn Prof Cabdiwahaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here