Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda xarumaha lagu daryeelo caruurta

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxda xarumaha lagu daryeelo caruurta agoonta iyo kuwa danta yar ee gobolka Banaadir, iyadoo kulankaas ay ka qeyb gashay guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada iyo wacyigalinta maamulka gobolka iyo agaasimaha Agoomaha iyo dadka tabaaleysan ee gobolka Banaadir.

Ujeedkan shirkan ayaa ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho ku farayay madaxda xarumahaasi sidii ay u xoojin lahaayeen da’daalada lagu horumarinaayo mustaqbalka caruurta Agoonta Soomaaliyeed oo ah mas’uuliyad wadareed saaran qofkaste oo ilaahey wax siiyay.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa taageera dhowr xarumood oo lagu daryeelo caruurta agoonta iyo kuwa tabaaleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here