Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka arrimaha doorashooyinka

0

Diyaar garowga shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxda Maamul goboleedyada oo lagu balansan yahay in uu maalinta berri ah ka furmo magaaladda Muqdisho ayaa meel gabagabo ah maraaya.

Guddiyadda farsamada oo maalmihii u danbeeyey waday diyaarinta shirkan ku saabsan arrimaha doorashooyinka Dalka ayaa intiisa badan soo gaba gabeeyay hawlihii ay wadeen.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda magaaladda Muqdisho ay soo gaaraan madaxda Maamul Goboleedyadda ee ka qeyb galaya shirkan oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17 September ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here