MW Farmaajo Ma xukun jeceyl darteed ayey Doorashada dib ugu dhacday?

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa markii ugu horeysay qoray maqaal aad u dheer oo uu ku sharaxayo waxyaabaha keenay in dib u dhac uu ku yimaado doorashooyinkii la filayay in ay ka qabsoomaan Dalka Soomaaliya.

Warbixintan oo lagu daabacay Wargeyska Foreign Policy, ayaa Madaxweyne Farmaajo waxuu ku sheegay in xukun jaceyl aysan aheyn waxa keenay dib u dhaca doorashooyinka, balse sababteedu ay tahay is-afgarad la’aan u dhaxeysay Dowladda Dhexe iyo Xubno ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada.

“Doorashooyinka Soomaaliya dib uguma dhicin sababo la xiriira inaan doonayo inaan xukunka ku dhegenaado, sida dadka qaar ay si been ah ugu doodaan, balse waxaa dib u dhigay is-mari waa siyaasadeed oo keenay in ay kala qeybsamaan dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah oo ku aadan, habka horey loogu dhaqaaqi karo,” ayuu yiri Farmaajo.

Udub dhexaadka khilaafka labada dhinac, ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qeexay himilada Dowladiisa ee ku aadan in Dalka laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah, si bulshadu u doorato shaqsiga ay rabaan, islamarkaana meesha uga baxdo doorasho dadban oo inta badan uu sheegay in ay ku soo baxaan shaqsiyaad dhaqaalo heysta.

Madaxweynaha ayaa xusay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay iswediiyaan sababta odayaal dhaqameedyo kooban iyo Madaxda Maamul Goboleeyada ay afartii sanaba mar u afduubtaan codadka Shacabka islamarkaana iyagoo u adeegaya danno shaqsiyadeed ay u sheegtaan matalaada malaayiin qof oo Soomaali ah.

“Waxaa la gaaray xilligii ay beesha caalamka is-weydiin laheyd: Maxay shacabka Soomaaliyeed ay afar sano oo kasta ay mar la-haystayaal ugu noqdaan odayaal qabaa’il oo kooban iyo madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wada hadal dhanka doorashooyinka uu u furay Madaxda Dowlad Goboleeyada, si looga arinsado qorshihiisa ku aadanaa doorasho qof iyo cod, taasi oo markii dambe keentay in heshiis laba dhinac ah laga gaaro sanadka markii ahaa 2018-kii.

Balse, waxaa dhacday in Maamul Goboleedyada ay ka laabtaan heshiiskii la wada gaaray, islamarkaana ay markale dib u bilaabaan wada-hadallo ku aadan doorashooyin dadban, sida lagu xusay warbixinta Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in isagoo ka qoomameynaya uu aqbalay heshiis ku aadan doorasho dadban oo 17-kii Sep ee sanada 2020-kii lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in heshiiskii labada dhinac uu markale buray kadib markii Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay ka soo laabteen safaro ay ugu kala maqnaayeen Dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Hanaankan wuxuu burburay waxyar un kadib markii hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland ay bishii November 2020 kasoo laabteen safarro ay ku kala tageen Imaaraadka Carabta iyo Kenya – oo ah laba dal oo Soomaaliya aysan xiriir xooggan la lehyn,” ayuu yiri Farmaajo.

Intaas kadib, Baarlamaanka Soomaaliya, ayuu Madaxweynahu sheegay in ay qaateen go’aan muddo kordhin labo sano oo ujeedkeedu ahaa kor u qaadida dimoqraadiyada Soomaaliya, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah balse tallaabadaasi waxaa si qaldan u fasirtay Saaxiibada Soomaaliya iyo Musharaxiinta Mucaaradka Dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka laabtay go’aanka Baarlamaanka si uu u qaboojiyo xiisado iyo rabshado ay Mucaaradku ka kiciyeen Magaalada Muqdisho, waxuuna tilmaamay in Baarlamaanka uu ka codsaday in dib loo soo celiyo heshiiskii doorasho ee 17-kii Sep ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

20-ka bishan ayaa lagu wadaa in markale lagu laabto miiska wada hadalka si loo dhameystiro heshiisyadii lagu qaban la haa doorashooyin dadban, waxaana wada hadallada hogaamin doona markan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sida lagu xusay warbixinta Madaxweynaha.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in laga shaqeyn doono  in wada hadalladu noqdaan kuwa loo dhan yahay, islamarkaana doorasho dadban ay ku dhacdo fursadda ugu macquulsan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya sheegay in nidmaadka ku saleysan qabiilka uusan u adeegeyn bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu ku soo gunaanuday hadlkiisa in hannaanka doorashada dadban uu yahay midka la haray dimuqraadiyadda Soomaaliya, isla markaana aan la sii wadi karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here