Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka golaha wada-tashiga qaran

0

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021 uu ka furmi doono Teendhada Afisyoone ee Muqdisho.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah uga furmaya Afisyoone maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021” ayaa lagu yiri warja qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska.

Shirka ayaa horey u muddeysnaa shalay oo Khamiis ahayd, lamana sheegin sababta uu dib ugu dhacay, inkastoo loo sababaynayo safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ugu maqnaa dibada.

Shirka Muqdisho ayaa arrimaha looga hadli doono waxaa ka mid ah diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka iyo raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here