Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo qarax lagula eegtay gobolka Jubbada Hoose

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM saacadihii lasoo dhaafay lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in kolonyo ay wateen ciidamadaasi lagula beegdsaday duleedka deegaanka Kulbiyow ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday mid ka mid ah kolonyada gaadiidka oo ay wateen ciidamada Kenya ee la qarxiyey, waxaana ka soo gaaray khasaare kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in weerarka qaraxa ah, kadib ciidamada AMISOM inay fureen rasaas xoogan, kadibna ay howlgal ka sameeyeen halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda & kuwa AMISOM xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta & bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here