Askari wiil arday ahaa ku dilay magaalada Baydhabo oo isna la toogtay + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa Maanta Xukunno kala Duwan Ku Riddey rag Katirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo lagu helay in dhac iyo dil ay ka Geysteen Magaalada Baydhabo.

 

Muxyadiin Cali Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku Xukuntey Dil toogasho ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Nuur Salaad kaas oo ahaa Ardey Dhigta Iskuulka Al Qalam Ee Magaalada Baydhabo waana lagu fuliyey maanta dilka

 

Sidoo kale Shuceyb Cali Mursal oo ah askari kale ayaa isna lagu xukumey 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad G/sare Sheikh Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ka soo baxay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here