Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku qabtay nin dil kasoo gaystay Nairobi

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Maxamed Xasan.

 

Taliska ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in Axmed oo baxsad ka ah cadaaladda uu Marxuumka ku dilay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isla markaana la horgeyn doono cadaaladda.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi, kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu boolisku sheegay in ninkan si deg-deg ah loo horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Waxaana la horgeyndoona Cadaalada hadii allaah idmo” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here