MUQDISHO – Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.
Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray horumarradii ugu dambeeyay ee xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada lagu taageerayo howlaha ay hoggaaminayso Soomaaliya ee dhinacyada nabadda, amniga iyo xasillinta.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday qorshayaasha mudnaanta leh ee mustaqbalka dhow iyo qaababka lagu sii xoojin karo taageerada caalamiga ah ee dadaallada Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in si wanaagsan loo taageero mudnaanta Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga iyo xasilloonida.
Sidoo kale, waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Midowga Afrika iyo Boqortooyada Ingiriiska, si loo taageero dadaallada ay Soomaaliya hoggaaminayso ee lagu xaqiijinayo nabad, amni iyo xasillooni waarta.





