MUQDISHO – Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa magacaabay Xoghayaha Guud iyo Ku-xigeenka Guud ee Golaha, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hoggaanka, maamulka iyo habsami-u-socodka howlaha Golaha ee la xiriira nidaaminta mihnadaha caafimaadka dalka.





