Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socda DF iyo dowlad goboleedyada dalka

0

KISMAAYP (SMN) -Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo aqalka martida ku qaabilay masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee Dowlada Federaalka iyo Dowlada xubnaha ka ah ayaa uga mahad celiyay sida ay uga soo qey-bgaleen shirka Wasaaradaha Waxbarashada dalka ee Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo ka dhexeeya wasaaradaha Waxbarashada si tacliinta dalka ay u noqoto mid waxtar leh.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in iskaashiga dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowlada uu xoojinayo howlaha shacabka loo hayo isla Markana shaqooyinku ay noqonayaan kuwo isku dheeli tiran.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here