Saddex caruur ah oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka laga helayo magaalada Beledwweyne ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha degmadaasi dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, kaas oo ku bilowday madaafiic.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay galbeedka Beledweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey ay ku dhinteen ugu yaraan saddex caruur ah oo isku qoys ahaa , halka ay ku dhaawacmeen laba kale.

Caruurta geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa la sheegay in madfac habaaw ah ah uu gurigooda ugu tegay, intii uu socday dagaalka xalay ka dhacay Beledweyne.

Ciidamada ammaanka ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, iyaga oo baadi goob ugu jiro xubnaha qaaday weerarka.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here