Axmed Madoobe oo kulan muhiim ah u soo xiray wasaaradaha Jubbaland

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo socday mudo sadex maalmood ah.

Kulankan oo ahaa mid golaha Xukuumadu ay ku qaada dhigayeen hiigsiga Xukuumada iyo qorshayaasha Dowlada ayaa waxaa lagu jaangooyay in isbadal muuqda lagu sameeyo shaqooyinka iyo howlaha ay hormuudka ka yihiin wasaaradaha kala duwan ee maamulka.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in loo baahan yahay dhammaan qorshayaasha halkan lagu gaaray in si dardar leh loogu badalo shaqooyin joogto ah oo lagu bari taaro shaqada ay hayaan wasaaradaha kala duwan.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in muhiimada kulankan ay tahay in wax laga bedalo hanaankii hore ee wasaaradaha ay ku shaqayn jireen isla markana isla xisaabtan joogto ah lagu sameeyo howlaha baxaada leh ee wasaaradaha ay qabtaan.

Ugu dambeyn wuxuu in guddiga shaqada iyo shaqaalaha ay masuuliyad ka saaran tahay la xisaabtanka shaqaalaha dowlada iyadoo la hubinayo habsami u socodka shaqada iyo joogtaynta gudashada waajibaadka cid walba saaran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here