Guddiyada doorashooyinka oo kulamo ka wada magaalada Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Guddiga doorashada Galmudug oo ay wehliyaan xubno ka mid ah guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta la kulmay maamulka gobolka, golaha degaanka Gaalkacyo, Odoyaasha dhaqanka 11-ka beelood oo kuraastoodu taalo Gaalkacyo, haweenka iyo dhalinyarada.

Guddiga ayaa ku wargeliyey kasoo qeybgalayaasha in doorashada aqalka hoose dhowaan ay billaaban doonto, doorashada oo ku salaysan go’aanada madasha wadatashiga qaranka, Odoyaasha iyo bulshada rayidka oo ay xulayaan ergooyinka doorashada.

Maamulka Gobolka, golaha degaanka, Odoyaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyey guddigan iyo in doorashada ka dhacdo Gaalkacyo, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin si dhowna ula shaqeeynayaan guddiga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here