Axmed Madoobe oo u hambalyeeyey Senatarada lagu doortay Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Axmed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hambalyo  u diray Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee ay deegaan doorashadooda tahay Jubbaland.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan xubnaha Cusub ee ah kuwii ugu danbeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa talaabo kale oo inagu dhiiri galinaysa inaan sii wadno shaqooyinka kale ee ina horyaala si doorashadu ay ugu dhacdo wakhtiga ugu dhow ee suurtagalka ah”.ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobne ayaa sidoo kale u mahadceliyay guddiga ee Doorashooyinka, Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ee hirgaliyay doorashada muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here