Axmed Madoobe oo war ka soo saaray abaarta ka jirta Jubbaland

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeybgalay shir Weynaha Qaran ee gurmadka abaaraha oo lagaga hadlayay tageerada dadka ay saamaysay abaarta ka jirta dalka.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Jubaland ay kamid tahay meelaha abaarta ugu daran ay ka jirto gaar ahaan dhulka la fog wabiga Jubba kuwaas oo gargaar deg deg ah u baahan isla markana Dowlada Jubaland ay gurmadka wado balse loo baahan yahay taakulo dheeraad ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in gurmadka beesha caalamka uu mar walba yahay Mid soo daaha oo si joogto ah aan uga jawaabi Karin baahiyaha deg dega ah sidaas darteedna loo baahan yahay in soomaalidu ay isku tashato oo Ganacsatada, Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo cid walba oo wax awooda ay ka qeyb qaadato gurmadka socda.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noq noqday ay u baahan yihiin xal waara oo loo sameeyo bulshooyinka xoolo dhaqato beeraleeyda ah ee jiinka wabiyada iyo dhulka ka fog ilaha biyaha ku nool kuwaas oo sanadka wakhti kamid ah wajaha fatahaado halka wakhtiyada qaara ay lasoo daristo abaar aad u dara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here