Sidee Madaxweynaha Somaliland loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti?

0

JABUUTI (SMN) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayay ayaa waxaa ay gaareen dalka Jabuuti, Garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda Jabuuti, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada dalkaas.

Muuse Biixi ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsa dalkaas, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.

Safarka madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo maalmo ah qaadan doona, waxana ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here