Baaq culus oo loo diray maamullada Puntland, Jubbaland iyo HirShabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga hirgelinta doorashada ee heer federaal ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay saddex maamul goboleed in ay soo gudbiyaan liiska musharaxiinta ugu horreysa ee doorashada golaha shacabka.

Afhayeenka Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal Axmed Adan Dagaal (Safiina) oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulada Hirshabeele, Puntland iyo Jubaland looga fadhiyo in ay soo gudbiyaan liiska xubnaha ku tartamaya kuraasta baarlamaanka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa iyagu shalay soo gudbiyay 11-kii kursi ee ugu horeeyay tartanka golaha shacabka, halka ay Galmudug ay hore u so gudbiyeen qaar ka mid ah kuraasta.

Afhayeenka Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal Axmed Adan Dagaal (Safiina) ayaa sheegay in doorashada golaha shacabka lagu soo gabagabeyn doono ilaa 24 bisha December.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here