Baarlamaanka Galmudug oo degmo u aqoonsaday magaalada Guriceel

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa degmo u aqoonsaday Guriceel kadib markii golaha wasiirada Galmudug ay soo gudbiyeen hindise ay doonayeen in Guriceel degmo loogu aqoonsado.

Hindisahan waxaa horgeeyay baarlamaanka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug si loo soo dhameystiro habraaca degmada Guriceel kaas oo hore ay u meel mariyeen golaha wasiirada.

Guriceel ayaa ah magaallo ganacsi oo ballaraan, waxaana sidoo kale dhowaan ka dhacay dagaallo u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here