Baarlamaanka HirShabelle oo isku diyaarinaya doorashada aqalka sare

0

Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa haatan isu diyaarinaya in maalmaha soo socda uu doorto xubnaha ku metalaya aqalka sare ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la diiwaan-geliyay qaar ka mid ah musharraxiinta u tartamaya kuraasta sideeda ah ee taalla magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamada booliska ay howl-gallo ka wadaan gudaha magaalada Jowhar.

HirShabelle ayaa lagu ammaanay in kuraasta aanu u xirin siyaasiyiin gaar ah, doorashada ka dhici doonta ay u muuqato mid si weyn loogu tartami doono, maadaama ay tahay mid furan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here