R/wasaare Rooble oo amar culus soo saaray – maxaa soo kordhay?

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo saaray amar culus oo ku socda hay’adaha dowladda, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Rooble ayaa amar ku bixiyey in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta hey’adda IMF ee qoondada dowladda federaalka, iyadoo aan ogolaansho laga helin xafiiskiisa.

Sidoo kale wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa la faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda in ay marka mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho soo weydiistaan xafiiska R/wasaaraha.

Amarka ka soo baxay Rooble ayaa ku soo aadaya, xilli ay weli halkeedii tahay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ee u dhexeysa isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya.

 

https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2021/09/press.jpg

Press

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here