Baarlamaanka oo Meel Mariyey Xisaab-Xirka Miisaaniyadda 2024 Kadib Codeyn Wadajir ah

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka kalfadhiga 7-aad, kulankiisa lixaad ee wadajirka ah, waxaana shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay garab joogeen Guddoomiye ku-xigeennada labada Aqal.

 

Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saaray akhrinta saddexaad iyo u codeynta xisaab-xirka miisaaniyadda sanadka 2024, oo ay horay u soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa mudanayaasha u jeediyey warbixinta akhrinta saddexaad ee xisaab-xirka, kaasi oo guddiyadu muddo toddobaadyo ah si wadajir ah uga shaqeynayeen.

Kadib doodo kooban, mudanayaasha labada Aqal ayaa u codeeyay xisaab-xirka miisaaniyadda 2024, waxaana ogolaaday 167 xildhibaan, halka laba xildhibaan ay diideen, hal xildhibaanna uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay horyaallaan howlo culus oo muhiim ah inta lagu jiro kalfadhigan todobaad. Wuxuu xusay in labada Aqal ay xooga saari doonaan dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, taas oo kamid ah mudnaanta ugu sarreysa ee kalfadhigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here