Baarlamaanka Puntland oo meel-mariyey xeer wax ka bedal lagu sameeyey

0

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta meelmariyay talo uu hory u soo jeediyay guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaaday Cabdixakiin Dhoobo Daareed, oo ahayd in la simo awoodaha xilka qaadista madaxda sare ee Puntland.

Golaha ayaa u codeeyay in guddoonka Baarlamaanka ay ridi karaan saddex meelood labo meelood (2/3) tirada xubnaha Golaha, halkii ay horay u ahayd kala bar iyo hal (1/2+1) tirada Golaha.

34 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ogolaaday qaraarkan, waxaana diiday10 mudane, halka ay ka aamuseen 4 mdane.

Qaraarkan ayaa sidoo kale dhigaya in eedeynta guddoonka Golaha ay ogolaadaan ugu yaraan kala bar iyo hal (1/2+1 ) tirada Golaha.

Intii Puntland jirtay ayaa xilka laga xayuubiyay dhowr guddoomiye Baarlamaanka, waxaana ugu dambeeyay Dhoobo Daareed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here