Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XF oo shir muhiim ah ka daah-furay Muqdisho

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa Maanta oo Sabti ah daah-furay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed, kadib xaflad lagu qabtay Caasimadda Muqdisho oo ay goobjoog ka ahaayeen tiro badan oo Wasiirro ah, Xildhibaanno iyo Madaxa Ergada Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Richard Danziger.

Hadal uu xiritaanka xafladda ka jeediyay ayaa Mudane Balal Cusmaan waxa uu sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo maalgeshiga dalka, isagoo tilmaamay in Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ka jawaabeyso dalabyo dhowr ah oo ay ka mid tahay xiriir adag oo u dhexeeya dowladda iyo qurbajoogta, iyo weliba xoojinta isdhexgalka iyo dhaqanka iyadoo loo marayo shirar, isu imaatinno bulsho iyo doodo wax dhisid ah.

Wasiirro iyo mas’uuliyiin dhowr ah ayaa munaasabada ka hadlay, oo ay ka mid tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru dowlaha Tamarta iyo Biyaha, Marwo Shukri Maxamuud Afrax, Wasiiru dowlaha Amniga Gudaha, Mudane Farxaan Cali Axmed, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Guddoomiyaha Madasha jilaayaasha aan dowliga ahayn, Mudane Cusmaan Muxiyaddiin Macallin Shaatax.

Hadal uu ka jeediyay madasha Agaasimihii hore ee Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdi Cali, ayaa soo dhoweeyay agaasimaha cusub ee lagu bedelay, Mudane Maxamed Ibraahim Cawaale, isagoo ku xil-wareejiyay, waxa uu tilmaamay inuu si lixaad leh u shaqeeyay labadii sano ee uu xilkani hayay, gaarsiiyayna guulo badan, isagoo xusay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay gacan weyn ku leeyihiin hore u dhaqaajinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyagoo taasi u maray taageerada qarashaatka lacageed ee sida billaha ah ay ugu diraan qoysaskooda, ama abuuridda rugo ganacsi ama maalgelin aan toos ahayn, ama maalgeshiga qeybo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here