Balcad oo xalay u gudubtay wareega Semi-Finalka tartanka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Degmooyinka Balcad iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Balcad oo u gudubtay wareega afar dhamaadka ayaa heshay 4 dhibcood, halka Marka oo guud ahaan tartanka ka hartay ay keensatay 2 buundo, sida uu ku dhawaaqay Cali Cumar Cabdalla oo ka tirsan guddiga tartanka.

Sidoo kale waxaa caawa la guda geli doono wareega Semi-Finalka tartanka oo ay iska xaadiriyeen illaa 4 degmo, waxaana lagu bilaabi doonaa Waabari iyo Ufurow, halka habeen xiga ay is arki doonaan degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here